Galmudug oo dacwad ka gudbisey wakiilada gudiga xallinta khilaafaadka doorashada.

Cadaado, Nov 28 2016-Maamulka Galmudug ayaa dacwad ka soo gudbiyey Madaxa Wakiilada Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee ku sugan Galmudug kaasoo ay eedeymo kala duwan ay u jeediyeen.

Galmudug ayaa dalbatay in laga bedelo masuulkaas oo ay sheegen ineysan la shaqeyn Karin, waxayna soo saareen war-saxaafadeed ku aadan arintan oo sidan u qornaa:-

Dowlad goboleedka Galmudug

War-saxaafadeed

Annagoo ka amba qaadeyna habsami usocodka geedi socodka doorashooyinka iyo in doorashooyinku ay ku dhammaadaan si nabad ah oo xasilloon ayaa Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug wuxuu dacwad liddi ku ah Madaxa Wakiilada Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee ku sugan Galmudug u gudbiyey Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Kadib markii maamulku uu arkay in xubintaas wakiilka ka ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ku dhaqaaqday arrimo kabaxsan waajibaadkii shaqo, kuwaas oo qas iyo iska hor imaad ku abuuray bulshada, caqabado iyo turaan turooyinna ku ah habsami u socodka hawlaha doorashooyinka.

Hadaba, annagoo ka duulayna arrimahaas waxaan Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka ka codsaney inuu nalagala laabto xubintaas nooguna soo badalo dad aan wada shaqeyn karno.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay cadeyneysaa, in ay diyaar u tahay in ay iskaashi buuxda layeelaneyso dhammaan Guddiyada loo igmaday doorashooyinka gaar ahaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxayna guddiyadaas ka rajeyneysaa in ay dhawraan kuna shaqeeyaan waajibaadka shaqo ee loo xilsaaray.

Dhammaad

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com