Galmudug oo beenisay in Afhayeenkii lagu Jirdilay Muqdisho

War Qoraal ah oo Xalay ka soo baxay Agaasimaha Madaxtooyada Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan ayaa lagu beeniyey in Cabdullaahi Xaashi Faarax (Roob da’ay) uu yahay Afhayeenka Maamulka Galmudug.

Warka qoraalka ayaa loo cugsaday warqad xilka qaadis Afhayeenka maamulka Galmudug taas oo soo baxday 2-Bishii May ee Sanadkaan taas oo lagu sheegayey in xilkii looga qaaday Afhayeenkii Maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax (Roob da’ay).

Sidoo kale waxaa Warqada wareegatada ee soo baxday 2-Bishii May ee Sanadkaan ku qoran in xilka qaadista Afhayeenkii Galmudug ay ku timid xil gudasho la’aan iyo go’aan wadatashi l’aan la gaaro,sidaas daraadeedna booskaas uu metelayo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cusmaan Cabdulle(Beereey).


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com