Galmudug oo adkaysanaysa Amaanka deganadeeda

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa manta shir gudomiyay Shirka Amniga Galmudug oo usbuciiba mar ka dhaca Caasimadda Galmudug ee dhuusomareb.

Shirkaan ayaa waxaa diiirada lagu sarayay sare u qaadida amniga guud ee galmudug iyo daadajinta qorshaha amniga Galmudug.

Kulanka waxaa ku sugnaa Saraakiisha Milatariga Booliska Nabad sugida iyo Asluubta madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa saraakiisha ku Bogaadiyay Qorshaha amniga ee Galmudug

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Ali Dahir Ciid ayaa Saraakiisha Booliska, Nabadsugida, iyo Milatariga, Galmudug ka dhagaystay Xaalada Amniga Galmudug isagoo faray Dardar galinta aminga Guud ee Galmudug.

Warbixinta Saraakiisha Amniga ka dib Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa bixiyay Awaamir sare logu qaadayo Amniga guud ee Galmudug gaar ahaan Amniga Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com