Galmudug iyo Ahlu Sunah oo heshiis ku gaaray Jabuuti

Galmudug iyo Ahlu Sunah oo heshiis ku gaaray Jabuuti

Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunah Waljeemeeca ayaa heshiis ku gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Wadahadalka oo socday muddo sadex cisho ah ayaa waxaa ka qaybgalay madaxwaynayaasha Galmudug Axmed Ducaale iyo maamulka gobolada dhexe Sheekh Axmed Shaakir.

Wadahadalka oo ay garwadeen ka ahayd urur goboleedka IGAD, ayaa waxaa sidoo kale bixinayay tababaro kusaabsan is-fahamka iyo khilaafaadka labada dhinac machadka Cligendael ee Netherlands.

War kasoo baxay urur goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in dhinacyadu diyaar u yihiin maamul midaysan oo ay yeeshaan, kana gudbaan khilaafka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com