GALMUDUG: Golaha Wasiirada oo Ansixiyay in ay degmo noqoto Xeraale

GALMUDUG: Golaha Wasiirada oo Ansixiyay in ay degmo noqoto Xeraale

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Shir guddoomiyay Shirkii todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Galmudug.

Shirka ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo doorashada iyadoo dhinaca kalena warbixin looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kuna saabsaneyd Degmeynta Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Shirka, oo uu kasoo qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka mudane Cali Daahir Ciid, ayaa laga dooday, warbixinta wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, iyadoona ugu danbeyntii cod loo qaaday degmeynta Xeraale ay Goluhu si aqlabiyad leh u ansixiyeen.

Dhinaca kale, wasaaradda Amniga ayaa golaha u qeybisay nuqulo Xeerka Hubka fudud ah oo ay goluhu soo akhrin doonaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com