HomeUncategorized

Galguduud Oo xabsiga loo taxaabay Tobbanaan qof oo xaaluf ku hayey dhirta deegaanadaas(Dhegeyso)

Guriceel, July 11- 2013 - Maamulka degmada Guriceel ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay dagaalan xoogan kula jiraan dadka dhirta ka jara tuulooyina hoos yimaada degmada Guriceel.

Hadal jedintii Gudoomiyaha gudiga haweenka & Xuquuuqul Insaanka baarlamaanka Galmudug|(daawo)
Baahin: Isniin, June 10 2013, Caawa Iyo Daljir Weriy eMacamed C Cali (Kooshin) ~ ~ Muqidisho
Wafdiga uu hoggaaminayo G/G/Wakiillada ee DG Puntland oo kulan ku yeeshey xarunta Madaxtooyada ee Galkacyo. [Akhris …]

Guriceel, July 11- 2013 – Maamulka degmada Guriceel ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ?dagaalan xoogan kula jiraan dadka dhirta ka jara tuulooyina hoos yimaada degmada Guriceel, kuwaasi oo mudooyinkii dambe halkaasi dhirta ka jarayey sida uu sheegay maamulka degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Nuur(Taardhuleed) ayaa sheegay in ay wadaan qorshe xoogan oo lagula dagaalamayo dad u u sheegay in ay xaalufin ba?an ku ?wadaan dhirta dabiiciga ah ee ka baxda deegaanada u dhow degmada Guriceel.

Gudoomiye Ciismaan Ciise, waxaa uu sheegay in ku dhawaad 32-ruux ay gacanta ku hayaan, kuwaasi oo xaalauf ku waday dhirt ka baxda Tuulooyinka u dhow Guriceel, islamarkaana ay haatan ay ku jiraan xabsiga Guriceel iyaga iyo Gaadiidkii ay wateen.

Docda kale gudoomiye Taar-dhuleed ayaa faah faahin ka bixiyey goobaha laga soo qabtay dadkan lagu eedeynayo xaalufinta dhirta dabiiciga ah ee deeganada gobolka Galguduuud, arintan ayaa imanaysa xili dhowaan maamulka Xibin iyo xeeb isla gobolkaasi uu isna ku dhawaaqay in ay dagaal la geli doonaan cidii lagu arko iyagoo xaaluf kuhaya deegaanka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Dhegeyso hadalka Gudoomiye Taar-dhuleed

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: