Galguduud:- adkaynta amniga oo lagu heshiiyey, iyo dhir jarista oo go,aan adag laga gaaray.

Dhuusamareeb, 5, 2013-? Magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta gobolka Galguduud waxaa maanta lagu qabtay kulan balaaran oo ay ka qeyb galeen maamulka gobolka, qaar ka mid ah maamulada degmooyinka iyo weliba waxgaradka deegaanka, kaasi oo aad diirada loogu saaray in laga wada shaqeeyo amaanka Gobolka.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Dhuusamareeb ee Cabdulaahi Macalin Axmed wuxuu sheegay in dhowr qodob kulankaasi laga soo saaray, waxaa la isku raacay in amaanka si isku mid ah looga shaqeeyo, iyadoo maamulku uu diirada saari doono amaanka guud ee gobolka.

Gudoomiye ku xigeenka degmada dhuusamareeb Cabdulaahi Macalin wuxuu sheegay in go,aan lagu gaaray in gebi ahaanba gobolka laga sifeeyo kooxda Al-shabaab, wuxuu ku eedeyey kooxda Al-shabaab in ay dhibaatada ugu badan ee dhinaca amni darada ah ay iyagu gobolka ka fuliyaan.

Docda kale deeganada laga maamulo Cadaado ee maamul Xibin iyo Xeeb waxaa ka soo baxay go,aan iyo ogeysiin dadka deegaankaasi lagu war gelinayo in aan la jari karin dhirta deegaanka, Cumar Maxamed Diiriye ( Guureye) kana tirsan maamulka Xibin iyo xeeb wuxuu sheegay in uusan maamulku marnaba aqbali doonin in dhirta gobolka ku taala? la jaro.

Xibin iyo Xeeb waxay sheegeen in dhamaan maamulada deeganada iyaga hoostaga iyo dadka deegaanka intaba ay ku war geliyeen in aan la ogolaan doonin in dhirta la jaro, maamulku wuxuu talaabooyin ka qaadi doonaa cid kasta oo gacan ku leh dhir jarista sida lagu sheegay hadalka maamulka ka soo baxay.

Ugu dambeyntii, Maamulka Xibin iyo xeeb ee ka dhisan deegaano ka tirsan Galguduud waxay sheegeen in ay hirgelinayaan ciidamo ka hortaga jarista dhirta, arintan ayaa imanaysa iyadoo hadda ka hor maamulka xibin iyo xeeb ay dhowr jeer ?xukuno ku rideen dad lagu eedeyey in ay qeyb ka noqdeen jarista dhirta ee deegaanada gobolkaasi.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com