Site icon Radio Daljir

Gal-Mudug oo ka Hadashay Dagaalkii ay Al-shabaab la Galeen

Jariiban, 27, March, 2016-(Daljir)_Wasiirka warfaafinta dawlad goboleedka Gal-mudug Maxamuud Aaden Cusmaan oo shir Ja’raaid ku qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Gal-gaduud  ayuu ku sheegay in dagaalladii shalay ay kula galeen kooxda Shabaab deegaanada Galhagiig iyo Dinooda, ee bariga gobolka Mudug ay jab iyo qasaaro wayn gaarsiiyeen kooxda Shabaab ee isku dayday inay amnigooda qalqal galiyaan.
 
Wasiirka ayaa xusay inay habeen hore qabteen Doon ay wateen horjoogayaal ka tirsan Al-shabab ah oo baxsad ahaa.
 
Wuxuu kaloo sheegay  in maxaabiis hor leh ay shalay ku qabteen dagaalka ay ciidamada Galmudug ku sifaynayaan Shabaabka.
 
Ciidamada Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay hawlgalo lagu sifaynayo kooxda shabaab ka waday bariga gobolka Mudug.

Daljir.com

Exit mobile version