Gaashaandhiga Soomaaliya Oo iclaamiyey in mushaarka ciidanka Dowlada si joogta ah loo bixin doono

Baydhabo, July 11- 2013 – Wasaarada gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay duruufaha haysta ciidamada meleteriga Soomaaliya, kuwaasi oo inta badan ka cowda in aysan helin xuquuqda dhanka mushaarka iyo weliba adeegyada muhiimka u ah shaqadooda.

Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ku ?jirto amaanka waddada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho, iyo ?xuquuqda ciidanka oo uu sheegay wasiirku in ay dowladu go,aan ka gaartay.

Mudane Fiqi oo saxaafada kula hadlayey gudaha Muqdisho wuxuu iclaamiyey in dhamaan ciidamada Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ay haatan kadib heli doonaan mushaaarkooda joogtada ah, iyo adeegyada kale oo muhiimka u ah shaqada.

Wuxuu sheegay wasiirku in ciidamadu ay wakhti dheer ku shaqaynayeen duruufo adag oo ay u dhabar adaygeen, haantana ay dowladu dhamaystirtay qorshihii ciidanka dowlada ee helista xuquuqda asaasiga ah,? ?Wixii ka dambeeyey bishaan July wuxuu wasiirku si rasmi ah u iclaamiyey in ay ciidanku heli doonaan waxay xaq u leeyihiin.

Ugu dambeyntii wasiirka gaashaandhiga ee Jamhuuriyada federaalka ah wuxuu kaloo sheegay in waddada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho oo ah mid amaankeedu faraha ka baxayey haatan kadib aad loo adkayn doono , wuxuu intaas ku daray in haatanba la geeyey ciidamo la dagaalama dadka dhib wadayaasha ah.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com