Site icon Radio Daljir

Gaashaandhiga Soomaaliya oo fuliyey kordhinta mushaarka iyo xuquuqda ciidanka difaaca dalka

Muqdisho, August 28, 2013 – Wasaarada gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ay fulisay kordhinta mushaarka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, kadib markii dhowaan ay ansixiyeen Baarlamanka dowladda federaalka ah.

Mudane Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi wasiirka gaashaandhiga ee dalka Soomaaliya ayaa shaaciyey hir-gelinta iyo kordhinta mushaarka ciidanka, wuxuu sheegay in ay tahay talaabo wanaagsan oo la qaaday.

? Waxaan kordhinay dhinaca lacagta iyo raashinka 100%, si ciidanku ay u gutaan waajibkooda oo ay dalka uga difaacaan cadowga sida Al-shabaab, taas waa dhiiri-gelin buuxda oo Askarigu helayo? ayuu yiri mudane Fiqi.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dhowaan la bilaabi doono qorshayaal dalka looga saarayo kooxda Al-shabaab, oo weli gacanta ku haya deegaano dhowr ah oo ka tirsan kuwa koonfurta dalka Soomaaliya.

Gollaha wasiirada ee dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo jeediyey in ay muhiim tahay in la kordhiyo xuquuqda ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, Baarlamanka ayaase ansixiyey xeer looga doodayey arrinta kordhinta mushaarka ciidanka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

Exit mobile version