Gaas oo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland u magacaabay  Saynab Ugaas Yaasiin

HomeWararka

Gaas oo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland u magacaabay Saynab Ugaas Yaasiin

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland ayaa loogu magacaabay Saynab Ugaas Yaasiin Wasiir kux-igeenka wasaarada Maaliyada Puntl

XULASHADA DALJIR | DEEQO LADAN BASHIIR | BOSAASO 11-FEBRUARY- 2023
Guddoomiyaha cusub ee gobolka GARDAFUU oo Tooxin lagu soo dhaweeyay (dhegayso)
Wacaal daray ah: Weraar loo adeegsaday Qarax oo lagu qaaday Xarumo Wasaradeed Muqdisho

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland ayaa loogu magacaabay Saynab Ugaas Yaasiin Wasiir kux-igeenka wasaarada Maaliyada Puntland, waxayna bedelaysa C/salaan Bashiri c/Salaan oo loo doortay Duqa degmada Bosaso.

Halkan ka akhriso Wareegtada Madaxweynaha

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray maanta oo ay taariikhdu tahay 13 Septembar 2018 ku magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr. 121 September 13, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markay tixgeliyey: Aqoonteeda iyo khibradeeda shaqo

Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland

Waxuu Xeeriyey:

Waxaa Saynab Ugaas Yaasiin loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu
-DHAMMAAD-

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: