Gaas oo Mashaariic Gaalkacyo Dhagax Dhigay oo London u Dhoofay

Gaas oo Mashaariic Gaalkacyo Dhagax Dhigay oo London u Dhoofay

Madaxweye Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Galkacyo, si ay uga qaybgalaan shirka Soomaaliya quseeya ee 11ka bishaan ka furmi doona Magaalada London.

Shirka London ee waftiga madaxweynuhu u ambabaxewn waxaa ka qaybgalaya wafuud kala duwan iyo madax caalamka ah, Soomaaliya waxaa ka qaybgali doona dhinacyada maamul ee Soomaaliya iyo madaxda dawladda dhexe, waxaana looga hadlayaab sidii Soomaaliya looga taageeri laha dhinacyada mashaariicda dhismaha Ciidanka iyo arimo kale.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas intii uusan ka.dhoofin Gaalkacyo maanta waxaa uu dhagaxdhigay dhismaha dhowr mashruuc oo Gaalkacyo laga dhisayo kuwaas oo ay kamid yihiin iskuulo, cisbitaal, xarun boolis, xarun ay yeelan doonto degmada Gaalkacyo, ceel biyood, iyo dhowr kale.

Warbixintaan waxaa nooga diyaarshay Jamaal Faarax Aadan

Hoos ka dhegayso

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 4
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com