Gaas oo Garowe Kusoo dhoweeyey Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed (Sawiro)

Gaas oo Garowe Kusoo dhoweeyey Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed (Sawiro)

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20 Oct 2018 Garoowe kusoo dhoweeyey, gaar ahaan garoonka diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir wefti ay hogaaminayaan Madaxweynaha Jubbland Axmed Maxamed Islaan, iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Soo dhoweynta Madaxweynayaasha ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland Kala qayb qaatay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, aqoon yahano, siyaasiyiin, ururada bulshada rayid ka ah iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Soo dhoweeyey Madaxweynayaasha Jubbland iyo Koofur Galbeed Puntland gaar ayaa sheegay in Madaxweynayaashu u yimaadeen Puntland inay ka qaybgalaan shirka madasha iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Isla markaana ay Puntland sharaf u tahay in shirkaasi lagu qabto.

‘Waxaa maanta sharaf weyn noo ah inaan Puntland kusoo dhoweyno Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, Madaxweynayaashu waxay u yimaadeen inay ka qayb galaan shirka madasha iskaashiga dowladdaha xubnaha ka ah DFS oo halkan aan ku qaban doonno dhawrka beri ee soo socda, lagaga hadlidoono ajandayaal farabadan oo khuseeya Soomaaliya iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliyeed, madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirkani uu yahay markii ugu horaysey ee lagu qabto Garoowe, Isla mar ahaantaana ay Puntland sharaf iyo milgaba tahay”

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ayaa dhankiisa ka mahadnaqay soo dhoweynta shacabka iyo Madaxda Puntland ay ku qaabileen isaga iyo weftigii lasocdeyba, waxa uu bogaadiyey horumarka lixaad kale ee Puntland ku talaabsatay, gaar ahaan Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas intii uu joogey wixii la qabtay oo uu ka xusay garoonka diyaaradaha Garoowe Janaraal Maxamed Abshir.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa dhankiisa isna dowladda iyo shacabka Puntland uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee ay ku qaabileen, wuxuu tilmaamay in shirka looga arrinsan doono hanaanka geeddi socod ee dawladdnimada Soomaaliya iyo ka sifaynta dalka cadowga Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com