Gaas oo Dib ugu Laabtay Gaalkacyo

Talaado, Oktoobar 27, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa dib ugu laabtay Saaka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug’ kadib markii Axadii uu furay kalfadhigii 36aad ee baarlamaanka Puntland.

Baarlamaanka Puntand ayaa shalay su’aal waydiiyey Madaxweyne Gaas kuwaas oo uu uga jawaabay qaybtood halkaa qaar kalana uusan ka jawaabin’su’aalaha la waydiiyey madaxweynaha waxaa kamid ahaa lacag cusub oo shilin soomaali ah oo Puntland daabacatay’mushaharka ciidamada’iyo sababta ay uqabsoomi waayey shirka golaha Wasiirada Asbuucyada laso dhaafay.

Baarlamaanka Puntland oo gaaraya 66 mudane waxaa Gaas su’aalaha waydiiyey 8 mudane’madaxweyne Gaas ayaa Axadii markii uu furay kalfadhiga baarlamaanka waxa uu sheegay inuusan ka jawaabi karin su’aalo ay waydiiyeen baarlamaanku maadaama uu markaas uu ka yimi magaalada Gaalkacyo.

Wafti wasiiro ayaa u raacay madaxweyne Gaas Gaalkacyo’isagoona mudooyinkaan kusugna’ dhismayaal xarumo cusub iyo bur burinta guryihii laga dhisay xarumaha dowladda ayey dowladdu ka wadaa gaalkacyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com