Gaalkacyo: Guddiga dib u habaynta & diwaangalinta Ciidamadda oo Gaalkacyo tirakoob ciidan ka bilaabay

Gudiga dib habaynta & diiwaan galinta ciidanka dowlada Puntland ayaa maanta xerada siinaay ee magaalada Gaalkacyo waxaa ay ka sameeyeen tirakoobka cidamada kala ah horinta ciidanka taangiyada,Horinta ciidanka ilaada ayraboorka Gaalkacyo ,taliska & madaafiicda .

Gudoomiyaha Gudiga Dib uhabaynta ciidanka dowlada Puntland ahna wasiirka maaliyada xasan shire abgaal oo goobta ka hadlay ayaa xusey in shicibka looga baahan yahay inay canshuurta bixiyaan si loohelo ciidan tiro & tayaba ka dhisan.

Wuxuu wasiir Xasan shire digniin u direy dadka qaata mushaaraadka badan ee canshuurtu ku waajibtay isagoo sheegey in sharciga lala tiigsan doono ruux canshuur ku waajibtay diiday madama isla ciidanka oo ka mushaar yar canshuur laga qaado.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowlada Puntland S/G Yaasiin Cumar Dheere oo goobta ka hadlay ayaa ciidanka ku booriyay sida wanaagsan ay ugu diyaarsan yihiin marista nidaam saxan oo xuquuqdooda ay ku helaan.
S/G. Cabdi Xasan Xuseen taliyaha ciidanka booliska dowlada Puntland ayaa sheegey inay muhiim tahay in askarigu maro habka diiwan galinta si askari walba u helo tababar sare & xuquuqdiisa oo dhamaystiran.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com