Gaalkacyo: Golaha degaanka oo doortay Duq degmadda & ku xigeenkiisa

HomeWararka

Gaalkacyo: Golaha degaanka oo doortay Duq degmadda & ku xigeenkiisa

Golaha Deegaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maanta doortay Duqa magaalada Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa. Goobta lagu qabanayay Doorashada Duqa Magaala

Madaxweynaha Somaaliya iyo kan kenya oo kulankoodi Nairobi natiijo la’aan ku dhamaday
Shir Muhiim ah oo Maanta ka furmay Muqdisho
Kooxo Hubaysan oo Muqdisho dil ka geeystay Caawa

Golaha Deegaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maanta doortay Duqa magaalada Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa.

Goobta lagu qabanayay Doorashada Duqa Magaalada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan xubnaha Golaha deegaanka, Wasiirka Arrimaha gudaha Galmudug, Mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Xildhibaanada cusub ee Golaha deegaanka Gaalkacyo ayaa duqa magaalada u doortay Cabdiraxmaan Sheekh Xasan u doortay oo musharixii la tartamayay uu u tanaasulay.

Sidoo kale Xildhibaanada golaha deegaanka ayaa u doortay ku-xigeenka duqa magaalada Maxamed Cabdi Cilmi isagoo ka guuleystey musharaxiintii uu la tartamayay.
Maxamed Cabdi Cilmi ayaa helay codad gaaraya 17-Cod, halka Cabduqaadir Maxamed uu helay 6 cod iyo Bile Xuseen oo ahaa musharaxii saddexaad oo isna helay 2 cod.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: