Gaadiid loogu Deeqay Booliska Jubbaland

Sabti, Oktoobar 24, 2015 (Daljir) —Taliyaha ciidanka Booliska DFS Gen.Maxamed Xasan Xaamud ayaa booliska mamulka Jubbaland gaarsiiyay afar gaari oo ah nooca loogu talo galay inay ku shaqo gallaan ciidanka Booliska, iyadoona gaadiidkan ay baahi badan u qabeen ciidanka Kismaayo ku sugan.

Deeqdan waxaa Taliyaha kala wareegay wasiirka amniga iyo arrimaha gudaha Gen.Maxamed Darwiish oo ka mahad celiyay gaadiidkan, wuxuna tilmaamay inay si wanaagsan ugu shaqayn doonan shacabka Jubbaland.

Taliyaha ciidanka Gen.Xaamud ayaa dhankiisa sheegay inay jiraan deeqo kale oo ciidanka loogu talo galay, kuwaasoo soo socda waxa kale uu tilmaamay inay muhiim tahay in Booliska Jubbaland iyo kuwa kale ee dalka wada shaqayntooda lasii xoojiyo.

Ugu danbeyntii ciidanka Booliska ee Kismaayo ayuu ku ammaanay shaqad addeg ee ay hayaan.

 

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com