Gaadiid ay leeyihiin Ciidamada Kenya oo lagu weeraray xadka Soomaaliya & khasaaro ka dhashay

Gaadiid ay leeyihiin Ciidamada Kenya oo lagu weeraray xadka Soomaaliya & khasaaro ka dhashay

Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya, kuwaas oo marayay meel u dhow xadka Soomaaliya uu la wadaago dalkaasi Kenya.

Kolonyada gaaddiidka ciidamada Booliska Kenya ayaa ilaalo ka hayay Shaqaalaha Shirkad dhismaha ah, waxaana xilliga la weeraraya ay marayeen inta u dhaxeeysa degaannada Bodeey & Ijaara ee Gobolka Waqooyi Bari.

Wararka la helay ayaa sheegaya in weerarkaas lagu dilay mid kamid ah Shaqaalaha shirkadda Dhismaha waddooyinka ah mid kalena lagu dhaawacay, kuwaas oo aan weli ka shaacin dalka ay u dhasheen.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxaa ay sheegteen inay gubeen laba Gaari oo lagu waday Shaqaalaha Shirkadda Dhismaha qaabilsan, sidoo kalena ay khasaaro gaarsiiyeen Ciidamada Booliska Kenya.

Weerarada Al-Sabaab ay ka fuliyaan degaano kamid ah Gobolka Waqooyi bari ayaa jiray dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxaana weerarkaan uu kusoo aadayaa xilli muddo yar ay ka harsan tahay doorashada madaxtinimo ee dalka Kenya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com