G/ Goolka Nugaal oo jawaab kulul ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeeray Gudoomiyaha gobolka Banaadir Tarzan.

Garoowe, 09 May 2013 Gudoomiaya gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Jarjab) oo shir jaraa?id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa wax laga xumaado hadal dhawaan ka soo yeeray gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.

Hadalka uu dhawaan gudoomiha gobolka Banaadir saxaafada ka sheegay ee uu jawaabta ka bixiyey gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa ahaa mid uu Tarzan ku sheegay inaysan munaasib ahayn in ay Puntland yeelato calan iyo astaamo u gaar ah.

Gudoomiye Qarjab ayaa hadalkaas ku timaamay mid meel ka dhac ku ah Puntland islamarkaana uu aad uga xunyahay waxaana uu intaas ku daray in qofkii ku hadla magaca Soomaaliyeed looga fadhiyo hadal deeqa bulshada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa waxaa uu u mahad celiyey madaxwaynaha Soomaaiya khudbadii uu ka jeediyey magaalada London ee Caasimada Dalka Britain.

Diiwaanka wararka?

Radio Daljir?

(C X)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com