Fiqi Bashiir C/dulle Cismaan oo lagu caleemo saaray baliga JEEDALOW.

Bacaad weyn Jan, 12- Xafladii caleema saarka Fiqiga oo si heer sare ah loo soo agaasimay kana dhacday Xarunta shirarka Fiqi Xirsi ee Jeedalow Bacaadweyn ayaa waxaa ka soo qaybgalay Isimada Gobolka Mudug oo uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Nabadoonada, Odayaasha, Waxgaradka, Culima’udiinka Aqoonyahanka, Ganacsatada, Dhalinyarada iyo Hooyooyinka Beelaha gobolka Mudug.


Waxaa kaloo iyaguna Xafladan Caleemasaarka ka soo qaybgalay Wafuud ka socotay DF ee Soomaaliya iyo maamulka PL oo ka qaybgalka shirkan loo soo wakiishay waxaana ka mid ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha ee dawlada Puntland mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Puntland mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee dawlada puntland mudane Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indha-guran), Wasiiru-dawlaha Amniga Madextooyada Puntland mudane C/qani Yuusuf Cilmi, Wasiir ku xigeenka Deegaanka mudane Burhaan Cilmi Filig, Wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, Wasiir ku xigeenka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland C/qani Geelle Maxamed iyo Wasiir Bashiir Maxamuud, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta qoyska dawlada Puntland Marwo Xaliimo Xasan Cismaan, guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey, Duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax, guddoomiyaha Bacaadweyn Siciid Maxamed Jamac iyo xubno kaloo farabadan oo ay ku jiraan masuuliyiin horay xilal kala duwan u soo qabtay.


Waxaa madasha horay ugu sugnaa 150 Xubnood oo Ergo ah iyo ilaa 500 oo xunood oo ka qaybgalayaasha shirkii socday ah, waxaana intaasi dheeraa dad 100 gaaraya oo ka tirsan beesha Fiqi Xirsi oo ka qaybgalka xafladan uga kala yimid Gobollada dalka Soomaaliya oo dhan iyo wadamada dibada, guud ahaana bulshadii faraha badnayd ee xafladan caleemasaarka ka soo qaybgashay waxay qiyaas ahaan gaarayeen 2500 ilaa 3000 oo qof oo ka kooban qaybaha bulshada iyo dawlada.


Intii ay socotay Xafladan caleemasaarka waxaa ka hadlay Waxgarad farabadan oo ay ugu horeeyaan Salaadiinta, Garaadada, Cuqaasha, Nabadoonada, Samadoonada, iyo Hogaamiyaasha dhaqankja Soomaaliyeed ee gobolka Mudug oo aad u bogaadiyay shirweynahan Beesha iyuo Natiijada ka soo baxday ee ay ugu horayso Doorashada iyo Caleemasaarka Fiqiga Beesha Xirsi Faarax, Waxayna ilaah uga baryeen in uu u fududeeyo Masuuliyada ay umadu u dhiibatay iyo xilka weyn ee uu qaaday.


Hogaanka dhaqanka ee Shirkan ka hadlay waxay sidoo kale Fiqiga u muujiyeen niyad wanaag iyo soo dhaweyn la xiriira ku soo biirida hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna tuseen Masuuliyada balaaran ee uu dhabarka u ritay iyo gudashada Waajibaadka saran ee laga dhawrayo.


Dhinaca Wafdiga dawlada puntland ay u soo wakiilatay ka qaybgalka xafladan Caleema-saarka FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan ka hadlay guddoomiyaha gobolka Mudug mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey iyo Wasiiru-dawlaha maamul wanaaga dawlada Puntland mudane Maxamed faarax ciise Gaashaan waxayna aad ugu dheeraadeen qiimaha dhaqan iyo umadeed ee Masuuliyadani ay leedahay.


Masuuliyiintani waxay si niyad samaan ah farxadina ay ku dheehan tahay u so dhaweeyeen iyagoo afka dawlada ku hadalaya Shirweynaha beesha ee soo gabagaboobay qodobadii ka soo baxay iyo Caleemasaarka Fiqiga Beesha reer Xirsi faarax ay dooratay.


Intii ay xafladani socotay waxay madasha laga soo jeediyay Baayaankii shirweynaha Beesha ka soo baxay iyadoo la dul maray qodobo muhim ah oo ka qaybgalayaasha shirka iyo ergada shirka ee Beeshu ay isla jaangooyeen.


Sidoo kale waxaa madasha lagha akhriyay taariikh nololeedkii Fiqiga oo si qumaati ah uga waramayay Aqoonta diimeed iyo mida maadiga ah ee Fiqiga, khibrada shaqo ee uu leeyahay iyo Indheergaradnimadiisa la xiriira Soomaalida iyo dhaqankeeda Suuban.


Xafladan Caleemasaarka Fiqiga waxaa sidoo kale laga akhriyay Kalmadii FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan Fiqiga Beesha Xirsi Faarax Shirwac uu xafladan ugu talagalay oo uu u wakiishay C/risaaq Sanweyne oo ka mid ahaa Shir gudoonka.


Fiqigu wuxuu khudbadiisan aad ugu muujiyay sida ay uga go?antahay horumarinta iyo isku soo dumida umadda, midaynta iyo wax wadaqabsiga umadda, la shaqaynta iyo qiimaynta hogaanka dhaqanka ee beelaha gobolka Mudug iyo midka guud ee beelweynta Cumar Maxamuud.


Fiqigu wuxuu kaloo khudbadiisan ku muujiyay hanaanka wanaagsan ee uu damacsan yahay iyo kaalinta uu ka qaadan doono hagaajinta mustaqbalka Umada ee dhaqan dhaqaale.


Qodobada uu aadka diirada ugu saaray khudbada fiqiga waxaa ka mid ah Nabadaynta, kobcinta ilaha dhaqaalaha ee bulshada, kor u qaadida adeegyada arrimaha bulshada la xiriira, nabadaynta deegaanka iyo arrimo kaloo muhim ah.


Intaasi kadib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay Islaan Bashiir ISlaan Cabdulle oo Shirka soo xiray khdubad dhinacyo badan taabanaysana ka jeediyay.


Islaanku wuxuu muujiyay Niyad samaan iyo taageero la xiriira hogaankan cusub ee beeshu yeelatay, wuxuuna kula dardaarmay in uu sida loogu sharfay xilkan umada wax ugu qabto masuuliyadii loo dhiibtayna uu uga soo baxo.


Islaanku wuxuu FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan ugu duceeyay masuuliyadan uu qaaday, wuxuuna dhamaan qaybaha bulshada gaar ahaan Beesha reer Xirsi faarax ugu baaqay in ay adeecaan hogaankan ay samaysteen islamarkaana ay sida ugu wanaagsan ula shaqeeyaan.


Islaan Bashiir ISlaan Cabdulle wuxuu muujiyay xurmada dhaqanku leeyahay iyo sida wanaagsan ee ay u hogaamiyaan umada, wuxuuna carabaabay in ay la shaqaynayaan ka isimo ahaan hogaankan cusub soona dhawaynayaan.


Intaasi kadib waxaa si rasmi ah loo caleema saaray FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan hogaanka dhaqanka ee Beesha Xirsi Faarax Shirwac oo iyadoo lagu sharfayo la saaray Koofiyadii iyo Cumaamadii mansabka qaaliga ah ee hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed.


Xafladan Caleemasaarka FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan Fiqiga Beesha Xirsi Faarax Shirwac waxaa lagu soo xiray shirweynihii Beeshan oo mudo 22 maalmood ah ka socday Madasha shirarka Fiqi Xirsi ee Jeedalow Bacaadweyn kana furmay 20-12-2012 iyadoo 23-kii 12-2012? uu si rasmi ah u furmay markii uu daah furay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle islamarkaana looga hadalayay mudadaasi arrimo farabadan oo Muhiim u ah Beesha Reer Xirsi iyo dhamaan Beelaha la wadaaga Dhalashada, Deegaanka iyo Diintaba.

Daawo sawirada.

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"


?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com