FIFA oo garoon caalami ah u aqoonsatay Garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho

Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa maanta garoonka kubadda cagta ee Muqdisho u aqoonsaday garoon caalami ah, kaas oo marti gelin kara kulamada heerka caalami ah oo ay Xulka Qaranka dalkeena la cayaarayo xulalka kale ee dunida.

Xulka Qaranka dalkeena ayaa hadda kadib soo afjari doona kulamadi guriga u ahaa ee ay ku ciyaari jireen dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Jabuuti, waxaana wixii hadda ka dambeeya ay lugta labaad ku marti qaadi doonaan gudaha dalkeena Soomaaliya.

Wasaaradda Cayaaraha oo kaashaneysa bahda isboortiga dalka ayaa ku guuleystay inay dib u dayactir iyo qalabeyn ku sameyso tuulada cayaaraha ee Muqdisho.

Sii Hayaha Wasiirka Cayaaraha iyo Dhallinyarada ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa soo dhaweysay in xiriirka kubadda cagta adduunka garoonka Muqdisho u aqoonsaday mid heer caalami ah.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com