FIFA oo Fadeexad kale lugaha la Gashay

November 04, 2015 (Daljir) — Ninkan u dhashay dalka Brazil kana mid ah madaxda  FIFA  islamarkaana ahaa qabanqabiyihii koobka aduunka ee sanadkii 2014 lagu qabtay wadankiisa ayaa inkiray in uu ku lugleeyahay musuqmaasuq lagu eedeeyay iyo in uu qaatay malaayiin dollar oo laaluush ah.

Jose Maria Marin ayaa kazoo muuqday maxkamad federal ah oo ku taal Newyork kadib markii laga soo wareejiyay Switzerland halkaasoo bishii May lagu xiray isaga iyo afar kale oo ka tirsan madaxda FIFA.

Marin ayaa dhageystay eedeeymihii loo soo jeediyay ayadoo maxkamaddu ay u ogolaatay in eedeeysanahan 83-sano jirka ah uu bixiyo 15m oo bond, si loogu ogolaado in uu Newyork ku noolaado inta arintiisa ay maxkamaddu go’aan ka gaareeyso.

Marin ayaa markii qareenkiisii loo ogolaaday damaanadda waxa uu ka baxay Maxkamadda isaga oo ay la socotay xaaskiisa, waxa uuna diiday in uu la hadlo saxaafadda.

Masuulkan ka tirsan FIFA ayaa lagu eedeeyay in uu lacago malaayiin doolar oo laaluush ah ka qaatay shirkado xayeeysiiya cayaaraha xilliyadii la qabtay Tartamadii Copa America iyo Copa Do Brazil.

Marin ayaa muteeysan doona 20 sano oo xabsi ah hadii ay ku cadaato eedeeymaha loo soo jeediyay, waxaana isa soo tarayay eedeeymaha la xiriira musuqaamsuqa ee loo jeedinayo madaxda FIFA. – See more at:

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com