Faysal Cali Waraabe waa Somaliland, Somalilandina waa Faysal Cali Waraabe!

Faysal Cali Waraabe waa Somaliland, Somalilandina waa Faysal Cali Waraabe!

***

Faysal Cali Waraabe: “Wiilka Xamar ku dhashay iyo wiilka Itoobiya ku dhashay waxaa wiilka Hargeysa xigto la ah kan ku dhashay Itoobiya.”

Faysal Cali Waraabe: “Maanta cadow isku xiran baan yeelanay, laga bilaabo Kismaayo, Xamar oo Farmaajo ka soo baxay, Garoowe, soonaha Shanaad, intaas ayaa iskugu keen tagtay maanta.”

***

Faysal Cali Waraabe waxa uu Soomaali ku noqday dhurwaaga xoolaha mira, kii xoolaha lahaana waa mid mooggan in xoolihii qaar dibbood yihiin, in dhurwaagu uusan kali aheyn ee ay raxan yihiin, in xoolihii qaar dideen, qaar qoobabka jabsheen, qaar qararka lala fuulay, qaar kalena uuba xalaydaan miray.

Dadkaas Soomaaliyeed ee la wada miray ma aha dad maanta fayoow, muruq iyo maskax ahaanba. Kii caqli lahaa waa cararay. Kii waddanimo weli ku hartay waa wareeray, oo waxa uu kala garan la’yahay waddaniga iyo shisheeye-kalkaalka. Kii xoogaa aqoon ah lahaa asaga warkiisa daa oo weli yaab buu la maqanyahay, markii warkiisa la maqlana waxa uu la soo shirtagaa “war maa saas la yeelo, oo saas la iska daayo!”

Dad foorara

Wax walba iyo Soomaalinimadii waa la foorariyey oo madaxii baa manjo noqday; oo nusqaankii baa maanta lagu naaloodaa.

Dadkii Soomaaliyeed, intii dalka ku hartay iyo kuwii ka carareyba, culimo iyo caamo, waxa ay noqdeen kuwo aan dhibka ka didin (mid taagan iyo timaadaba), kuwo aan ka dhiidhiyin isir-naceybka, jahliga, shisheeye-kalkaalka, iyo dhammaan wixii foolxumo ku ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Saas oo ay tahay Soomaalidu weli kama ay samrin aqoonyahankeeda fara-ku-tiriska ah, oo maanta maalin uu aqoonyahankaas tirada yari ka magacdheeryahay Soomaali ma soo marin. Laakiin aqoonyahankii Soomaaliyeed waxa uu noqday mid ay qaadday duufaanta “dhib-ma-leh” ee Soomaali ku habsatay.

Meeshii la rabay in uu aqoonyahanku ka dhiidhiyo, uu diido, oo uu takooro warxumotashiilka har iyo habbeen marna miraya marna didinaya ummadda Soomaaliyeed, aqoonyahankii Soomaaliyeed waxa uu raacay warxumotashiilkii, haddii uusan raacinna waxa uu yiri “dhib-ma-leh” oo “nusqaanku waa kaygii” ama “nusqaanku fikirka waa ku kali.”

Shan iyo labaatan sano iyo hayaay aqoonyahankii Soomaaliyeed waxa uu noqday mid afkii juuqda gabay, una eg mid raalli ka aha in maalin walba Soomaaliya iyo magacii Soomaaliyeed hortiisa lagu kufsado, uuna kufsado nin waalli lagu sheegay iyo kii watay.

Sidee raalli looga noqday “ninku waa nin waalan” oo hadana ninku waa hoggaamiye? Hadde waa isla kan ku miraya, waa madaxa xisbi mucaarad, waa afhayeenka siyaasadda madaxweynaha, waa kan madaxweynaha safar kasta oo muhiim ah raaca, waa kan madaxweynaha la taliya, waa kan madaxweynaha hadalka u fura, waana kan madaxweynaha hadalka u xira, waa kan beesha u hadla, oo waa ina Cali Waraabe iyo salkii “dani waa seeto!”

Mise waa siyaasad mideysan!

Yaan lagu jaahwareerin, siyaasaddu ma aha mid mugdi ku jiro. Waa siyaasad cad. Waa mid qeexan. Waa mid aan marnaba mugdi ku jirin. Isir naceybka iyo reer-Soomaaliyeed iskudirka uu Faysal Cali Waraabe har iyo habeen la soo shirtago ma aha mid Faysal u gaar ah, waa mid ay ka simmanyihiin badi siyaasiyiinta reer Somaliland. Waa mid loo arko in ay ka simanyihiin badi aqoonyahanka reer Somaliland. Waa mid joogto noqotay maanta illaa iyo asaaskii Somaliland.

Faysal Cali Waraabe taariikh uu ku faano ma leh, ka biloow waagiisii Jaalle Maxamed Siyaad Barre, kuna xiji tiisii qof ahaaneed ee Finland, mana aha kuwo u qalma in aan boggaan kaga faaloono.

Saas oo ay tahay, labadaas kore haddii uu faashil ku noqday mid buu har iyo habeen ku faanaa, waana tan maanta taagan, waana mid ay la qabaan badi hoggaanka Somaliland, waa siyaasadda uu la joogo Hargeysa ee Soomaali naceybka, isir-naceybka, iyo iskudirka iyo balo-dhexdhigga qabiilada Soomaaliyeed, ha ahaato qabaa’ilka uu ka dhashay ee reer Isxaaq dhexdiisa ee maanta dhibkeedu ka taaganyahay Ceel Afweyn illaa Ceerigaabo, ha ahaato kan karkaraya ee Awdal, ha ahaato Isaaq iyo Harti, ama markii loo baahdo tiisa Dir iyo Daarood iyo tii sagaashameedyadii oo kale.

Faysal ku kali ma aha

Tii shalay Soomaali kala dishay haddii aqoonyahanka Soomaaliyeed ilaaway, tan maanta taagan Faysal ku kali ma aha. Waxaa la qaba Madaxweyne Muuse Biixi (oo xataa aan ka xishoon in uu qabiilada qaar dharaar cad u hanjabo) oo uu hortiisa wixii la ogaa shalay ka sheegay, una yahay lataliye. Waxaa la qaba Saleebaan Gaal, Guddoomiyaha Guurtida, oo aflagaadada iyo isir-naceybka Faysal kala siman, waana mid ay ka wada simayihiin badi hoggamiyayaasha Somaliland ee maanta. Hadde ogoow hoggaamiyayaashaas (siiba kuwa Hargeysa) ma aha kuwo dabeyshu keentay ee waa hormuudka bulshada iyo beeshaba.

Sidaas darteed maanta Faysal Cali Waraabe waa Somaliland, Somalilandina waa Faysal Cali Waraabe, ee labo is leh yaan la kala jiidin.

Dhib maanta waxaa noogu filan in aan boggaan kaga faalloono foolxumada Faysal iyo intiisa la ficilka ahi ay Soomaali ku hayaan (kuwo la dhashay iyo kuwo la daris ahba), laakiin mid ka daran baa ah in aqoonyahankii Soomaaliyeed uusanba taas dhib u arag, haddii uu u arkana uu kaliya ku afgobaadsado.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “god walaal ha qodin, haddaad qoddidna ha dheerayn, ku dhici doontaa mooyee.” Waana maragmadoonto, sida ku cad taariikhda dhow iyo tan fog ee Soomaaliyeed, in dulmigu uusan laheyn lugo uu ku raago. In qabiil Soomaaliyeed uusan yeelan karin qabiil kale. In ninna uusan nin kale dullaysan karin. Hadaba Faysal iyo inta la talo iyo fikir ahi ha xasuusteen hadalkii Garaad Wiilwaal ee “nin rageed wax kasta ku dayey, walaaloow wuxuu ku dhaamana la waa!”

Aqoonyahanka Soomaaliyeed ha isyeelyeelo ama yuusan isyeelyeelin, hase ogaado in dhibka aan la dhowrsan, in sharaftu tahay dalkaaga oo sharfoon, oo la diido kan diiddan Soomaalinada iyo wada dhalashada. Haddii uu shalay Faysal miiska hoostiisa ku fooryi jiray, maanta asaga oo Madaxweyne Muuse Biixi horfadhiya, oo afuraya, oo diinyaqaankiisii horfadhiya baa isir-naceybka iyo Soomaalino-diidka loogu sacabtumayaa, looguna lalinayaa makrafoon cod dheer iyo Talafishin Qaran.

Sida Soomaalidu tiraahdo, “kheyr wax kaama dhimmee shar u toog hay.” Sharka maanta taaganna waa kan Faysal iyo inta la fikir iyo la talo ah. Sidaas darteed, dhib ma ahee dheef ha ka filan Waraabaha mirta barta, ase dareensan in aan xoolaha cidi raacan, kii xoolaha lahaana uu mooggan yahay hiisha xerada buuxdhaaftay iyo dulinka (shillin, shax, iwm) xoolaha dhogor rogey, markii ay dibbood noqdaana dugaagu mirto.

Diiwaanka Daljir

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • Abdifitaah haaji jawle 6 years ago

    Qoraal qiimo weeyen leh waaye thnks daljir radio

  • wiil-OOG 6 years ago

    waa qoral u muuqda in si wanaagsan loo qoreey, laakin dhan u janjeedah. maxaad u aragteey qabyaaladda iyo kala qaybinta mudane faysal cali waraabe oo keliya ee aad u sheegi waydeey af-xumada cabdi weli gaas oo ay duuban tahay inuu somaliland iyo dadkeena ku sheegay WUXUUSH Quote “wuxuushta waa iska dhicineynaa asagoo ka soo degay airportka garowe”. xaad u sheegi weydeey Quraan jecel iyo madaxweyne ku xigeenka oo intaas qabyaaladda qaawan oo beelaysan meel kasta ka sheegaya. Somalinimada aad sheegaysaa kuma imanayso inaanad si dhexdhexaad oo xaqiiqda ka tagan aad u hadasho ama wax u qorto. waanu ka xishooneey in waxaad qortey iyo wax xun aanu ka qorno dhurwaayada xaggiina jooga ee maanu awoodi waayin. kala daa inaad somalinimo ku baaqdo iyo inaad dhurwaayada puntland na diffaacdo, dhurwaaga keli ah ee hargeisa joogana nalka ku shido. haddii xumaanta ay somali koonfureed ama puntland wado ay sii socotona xaqiiq waxaa dhici doonta in sida faysal sheegay uu wiilka ethiopia joogaa naga xigi doono wiilka xamar ama garoowe jooga. dagaal shacab oo qabyaaladeysan baa isku raacdeen ee ogaada in shacabka somaliland aanu weli gaadhin arinta loo bedelo mid sidiinoo kale qabyaaladeysan. foolxumo ayay idinku tahay in puntland dumarkooda iyo ragooduba si fool xun u wada caytamayaan. waar bal kala hadha oo necbaanshaha qabiil aad dabada ka wadaan joojiya haddii waxay gaadhi doontaa meel aad u xun oo aan dib looga noqon karin. shacabka somaliland weli idinlama dagaalsana ee wax iskula hadha oo alle ka yaaba. faysal, sida guraanjecel iyo cameey bu dad ka dhasheey ee kuwiina qabta annaana aanu kaayaga qabano. sidaasaa wanaagu ku jiraa ee alle ha idin waafajiyo. DOQONI HADDII LA FICILTAMO IN LA KALA TEGAYO BAY MOODAA.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com