Faysal Cali Waraabe o sheegay in imaraadku ogolaaday in Baasaboorka Somaliland dalkooda ku gali karaan

Guddoomiyah Xisbiga Mucaaridka ah ee Maamulka Somaliland Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka oggolaatay in Baasaboorka Somaliland ay ku tagaan dalkaas.

Waxaa uu ka hadlayay heshiis Maamulka Somaliland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ku dhexmaray Magaalada Dubai ee dalkaasi.

Faysal waxaa uu sheegay in Baasaboorka Somaliland lagu tagayo Imaaraadka sidoo kalena ay dowladda Imaaraadka kala shaqeyneyso Maamulkooda sidii ay Waddamada kale ee Khaliijka u oggolaan lahaayeen.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Imaaraadka uu ballan qaaday dhismaha Labo Isbitaal oo uu ka dhisayo Gudaha Somaliland sidoo kalena ay mahsaariic ka fulinayaan gudah maamulka Somaliland.

Dhinaca kale Faysal waxaa uu sheegay in ay sameynayaan Baasaboor cusub oo E-Baasaboor ah,kaas oo uu sheegay in uu yahay midka ay hadda Adduunyada u guurtay marka ay kaas sameystaanna lagu tagayo waddamo ay ka midyihiin


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com