Faysal Cali Waraabe: “Haddii aan dooneyno in aan Garoowe qabsano daqiiqad nagu qaadan mayso” (dhegayso)

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta la hadlayaay Maanta ayaa sheegay in Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ay kusoo xadgudbeen xuduudaha Somaliland,isago sheegay in uu hambalyeeynayo Ciidamada Somaliland oo saaka Weraar ku qaaday Fariisimo Ciidamada Difaaca Puntland ku leeyihiin Tukaraq oo Caasimadda Puntland ee Garowe u jirta 60- KM.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Wasiirka Qorsheynta iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqdeen sida uu sheegay Gobalka Sanaag oo ay sheegato Somaliland in ay maamusho, taas oo ku sheegay in ay tahay xadgudub lagu sameyaay Somaliland gobaladeeda.

Dhinaca kale Faysal ayaa sheegay in qabashada ama qabsashadda Caasimadda Puntland ee Garoowe aysan daqiiqado ku qaadaneyn in ay qabsadaan Ciidamadda Somaliland, waxa uuna ugu baaqay Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Farmaajo in ay joojiyaan xadgudubta ay wadaan.

Hoos ka dhegayso codka Faysal Cali Waraabe.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com