Farriinta Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmajo ee Xuska 14-ka Oktoobar

Farriinta Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmajo ee Xuska 14-ka Oktoobar

14-ka Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed. Waa maalin aan waynay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska iyo horumarka dalkeenna.

Waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah.

Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu.

Tan iyo wakhtigaas Dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada arxan darrada ah, sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay cadawgu ku dhibaateeynayeen muwaadiniinteenna ku nool.

Ugu dambeyntii, waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada ka baxsan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Eerible Faranfar 4 years ago

    Farmaajo malaha ma qaangaarin. Wallee cudurka maskaxda ka helay mid yar maaha.

    Caqli carruureed aan dal ku mamuli karin buu meesha la fadhiyaa.

    Waa ruuxa ku faanaya “Dhiig baan u shubay dadkii wax ku noqday qaraxa. Ma keligiis baa dhiig shubay ahbalkan?

    Ma garawsaday fashilka Kismaayo ka haysta?

    Talo xume maskaxda ka xanuunsan weeye xayawaankan.

    Kol dhowna qax baa u soo baxay isaga iyo eydiisaba.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com