Faroole: Dastuurka Puntland waa Kaas, Qabiil Kuma Dhisna oo waa Mid ku Dhisan Deegaan”

Faroole: Dastuurka Puntland waa Kaas, Qabiil Kuma Dhisna oo waa Mid ku Dhisan Deegaan”

Madaxweynihii hore ee Puntland, hadana ah Oday Aqalka Sare ee Odayaasha DFS, Md. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Dastuurka maamulka Puntland, kana muujiyey walaac qorshaha dabayaal Tabashada Beesha Tanade. Oday Faroole ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad xariga looga jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Garoowe.

Faroole ayaa khudbadiisa ku beeniyay hadalo shalay ka soo yeeray Wasiirkii hore ee Howlaha Guud, Cabdirashiid Maxamed Xirsi, ahna xubin beesha Tanade, una doodaya kordhinta kuraasta baarlamaanka beeshiisa. Cabdirashid ayaa shalay sheegay in “dastuurka Puntland dhowr jeer wax laga badalay” taas oo Madaxweynihii hore ee Puntland, Md. Faroole, uu si qayaxan u beeniyey, kuna tilmaamay ka beensheeg dastuurka Puntland iyo marxaladihii uu soo maray.

Faroole ayaa Isimada Puntland oo madasha fadhiyey u sheegey in aysan shaqo ku lahayn dastuur, uusanna jirin dastuur la badali karo, iyo kuraas baarlamaan oo la kordhin karo. Wuxuu Isimada Puntland ee meesha fadhiyey si qayaxan ugu sheegay in tani aysan ahayn hawl u taal isimada. “Odayaasha halakan la isugu keenay, oo la soo luggooyey, wax dastuur ka galay ma jiraan,” ayuu yiri Oday Faroole.

Faroole ayaa sidoo kale beesha Tanade u sheegay, kuna booriyey in haddii ay wax tabanayaa ay ku laabtaan deegaanka iyo gobolka beesha laga soo doorto oo ay la xaajoodaan beelaha gobolka la deggen.

Dastuurka Puntland ayaa ku salaysanyahay deegaan ama gobolaysi, xubnaha baarlamaanka Puntland ayaa ayana lagu soo doortaa hab deegaan, wixii tabasho ahna ay waligeed beeluhu si gooni ah uga shiraan dhexdooda, badanaana wixii muran gala waxaa loo qaybsadaa si meerto ah.

Sida Oday Faroole sheegay, ayna Daljir u xaqiijiyeen sharciyaqaanada ku takhasusay  dastuurka Puntland, ma jiro dastuur Puntland oo oggalaanaya kordhin tirada xubnaha baarlamaanka Puntland.

Qodobka 60aad ee dastuurka Puntland asna wuxuu caddaynayaa in aan marnaba la kordhin karin tirada 66 ka xubnood ee baarlamaanka Puntland, illaa la dhammeeyo tirokoob dadka deegaanka, la abuuro oo ay hawlgalaan xisbiyo siyaasadeed oo caburin ka madaxbannaan, deedna la galo doorasho madaxbannaan.

Hoos ka dhegayso khudbadda Oday Faroole ahna Madaxweynihii hore ee Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Dastuurku ma kitaaba marka uu leyahay lama badalikaro teeda kale isagu ka mid maaha isimadana manaha hogaamiyasha talada haya oo shaqsi ixtiraam mudan waa inuu ka fiirsado hadalka uu ku hadlayo

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com