Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirada Masar iyo Indonesia

HomeWararka

Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirada Masar iyo Indonesia

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee ay dalalka Masar iyo Indonesia usoo mag

Galmudug oo lagu Eedeeyey in ay Shacab ku Laysay Dhabbad (dhegayso)
Ra’iisul wasaare Rooble oo saxiixay buuga tacsida madaxweynihii geeriyooday (Sawiro)
Madaxweynha Dowladda Puntland Ayaa Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Islaan Xasan Cigaal Ciise

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee ay dalalka Masar iyo Indonesia usoo magacaabeen Soomaaliya.

Danjiraha dalka Masar Mudane Maxamed Ibrahim oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdifataax Al-Siisi ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo adkeeyay inuu ka shaqayn doono adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub ee dalka Masar sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku saleysan iskaashiga, dan-wadaagga iyo saaxiibtinnimada ah ee ay la leedahay dalalka kale ee caalamka.

Madaxweynaha ayaa Danjire Maxamed Ibraahim u rajeeyey inuu ku guulaysto gudashada xilka loo igmaday ee ku aaddan xoojinta iyo joogteynta xiriirka walaaltinnimo ee labada waddan.

Dhanka kale, Danjiraha dalka Indonesia ee Soomaaliya Mudane Seohardjon Aastromihardo oo Madaxweynaha u gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Joko Widodo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha u sheegay in ay soo dhaweyn iyo wadashaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: