Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyey booqashada uu ku joogay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo booqashadiisa maalinta shalay uga billaabatay magaalada Gonder waxuu shir seddex geesood ah oo ku saabsan danaha seddexda dal ee Soomaaliya, Ereteria iyo Itoobiya kala yeeshay Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaayas Afwarqi.

Wadahadallada ay yeesheenna waxaa ka mid ahaa heshiisyada seddex geesoodka ee ay seddexda dal horay u gaareen sida loo meel mariyey.

Waxayna isla meel dhigeen heshiisyada ku saabsanaa iskaashiga dhaqaale iyo meel marinta qorshayaasha nabad ilaalinta sidi ay isaga kaashan lahaayeen inuu meel fiican maraya.

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *