Site icon Radio Daljir

Farmaajo oo maanta furaya Kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare

Waxaa lagu wadaa in Maanta uu furmo kal-fadhiga 5aad ee Golaha Aqalka Sare, kaas oo guddiga joogtada Aqalka Sare ay Go’aamiyeen in Isniinta Maanta ah uu kulankaasi furmo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu furo Kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare,waxaana kulankaan lagu waday in uu furmo 16-kii Bishii Maarso, hayeeshee uu u baaqday safarkii uu Muqdisho ku yimid Madaxweynaha dalka Jabuuti.

Dhawaan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu furay Kal-fadhiga 5aad ee Xildhibaanada golaha Shacabka,waxaana furitaanka Maanta ee Kulanka Aqalka Sare uu kusoo aadayaa xilli khilaaf uu ka dhex jiro Baarlamaanka labada Aqal

Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyey,waxaana xiran wadooyinka qaar ee Muqdisho, iyada oo lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Exit mobile version