Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa

Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay  Addis Ababa

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa garoonka diyaaradaha Bole ee Magaalada Addis Ababa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Marwo Burtukan, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya & Xubno kale oo ka tirsan dowladda dalkaas.

Farmaajo ayaa kamid noqday Madaxda lagu casuumay caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo bishii June Xisbigiisa ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa Madaxda kale ee ka qeyb galeysa Caleema saarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Socdaalka Farmaajo ee Addis Ababa ayaa noqonaya kii u horreeyay oo dal dibadda ah ugu ambabaxo, tan iyo wixii ka dambeeyay 25 April qalalaasihii iyo iska hor imaadyadii ka dhacay Muqdisho ee sababay inuu ka laabto muddo kororsigii labada sannada ahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com