Farmaajo oo la kulmay Guddoomiye Gudoomiye Jawaari

Farmaajo oo la kulmay Guddoomiye  Gudoomiye Jawaari

Kulanka waxa uu ka dhacay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo hoy u ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana Goob joog ka ahaa Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka lana safan Gudoomiye Jawaari.

Waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa kamid ahaa sidii loo xal looga heli lahaa Khilaafka ragaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidii cod loo gelin lahaa Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in uu ogolaaday in Mooshinka cod loo qaado, waxa uuna dalbaday in ay goob joog ka ahaadaan Golaha Aqalka Sare oo ah Waax kamid ah Baarlamaanka.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in si cadaalad ah ay u dhacdo Cod u qaadista Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku sameynayaan Mooshinka ka dhanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com