Madaxweyne Farmaajo oo Madaxweyne Cagjar uu Addis Ababa ku soodhaweeyey (dhegayso)

Madaxweyne Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isla maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Kulanka oo aan weli faahfaahintiisa la helin ayaa la isla soo qaaday wada shaqeynta dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Waxaa Sidoo kale kulanka looga hadlay xoojinta isbaddalka gobolka Soomaalida iyo kan guud ee ka socda geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorshaynayaa in uu ka qaybgalo shir ay isugu imaanayaan madaxda urur goboleedka IGAD oo looga hadli doono xubinnimada Eriteriya oo mar kale la filayo in ay ka midnoqoto xubnaha Urur Goboleedka IGAD.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Madaxweyne Farmaajo oo Madaxweyne Cagjar uu Addis Ababa ku soodhaweeyey (dhegayso)”

  1. NuurkaNederland

    MA ADAA FAHMAYBA!.

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com