Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo xubno kale.

Magaalada Caabudwaaq waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay Maamulka degmada, qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxagaradka iyo Dhalinyarada, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Dadweynaha oo Madaxweynaha uga hortagay banaanka magaalada ayaa waxa ay wateen Calanka Soomaaliya iyo Sawirka Madaxweynaha, iyaga oo ku qeylinayay Madaxweyne soo dhawoow iyo ereyo kale.

Ammaanka magaalada Caabudwaaq ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana sugidda amniga iska kaashanaya Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka AMISOM, Ciidamada ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen Maleeshiyaad Hub ku dhex sitay magaalada, kahor inta uusa Madaxweynaha gaarin magaalada.

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *