Farmaajo oo Booqday Xerada Ciidamada Janaraal Goordan (dhegayso)

Farmaajo oo Booqday Xerada Ciidamada Janaraal Goordan (dhegayso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah booqday Dugsiga Tabarada Ciidamadda Janaraal Goordan ex Xero Agoon ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa halkaasi ku dhiiro galiyay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya oo Tababar ugu socday Xarunta Janaraal Goordan. Madaxweyne Farmaajo oo khubad dheer u jeediyay ciidamada ayaa ku amaanay doorka ay kaga jraan sugida amniga,isaga oo sheegay in lagu ammaano in ay yihiin geesiyaal.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ciidamada kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sugida amniga, islamarkaana aanan la dooneyn in Amisom 10 sano oo kale ay Soomaaliya sii joogto.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com