Farmaajo ‘Maya Isbaaro Danbe oo la Dhigto Shabeellaha Hoose’

HomeWararka

Farmaajo ‘Maya Isbaaro Danbe oo la Dhigto Shabeellaha Hoose’

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta safar dhanka dhulka ah ku tagay Degmada Afgooye ee Go

Guddiga doorashooyinka Puntland oo edeyeey Ururadda Kaah & Mideeye
Munaasabad sagootin ah oo xalay lagu qabtay Dhuusamareeb
Nabadoon Xaarin oo ka hadlay shirka dhuusamareeb & diidmada Puntland (Daawo)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta safar dhanka dhulka ah ku tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la kulmay maamulka iyo waxgaradka deegaanka. Madaxweynaha ayaa dhegeystay tabashooyin iyo talooyinkii ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanka, culumada, haweenka iyo dhallinyarada degmada Afgooye. Madaxweynaha ayaa u ballanqaaday in ay dowladdu si degdeg ah wax uga qabaneyso tabashooyinkooda.
Safarka Madaxweynaha ee degamada Afgooye waxaa ku weheliyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Hoos ka dhegayso

  

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Wan so dhawayn in FARMAAJO
    soo afjaro caadooyinkii xumaa ay keentay burburki
    somaliya
    Tnx daljir uheelanaha bulshada

DISQUS: