Farmaajo iyo Muuse Bixi Maxay kawada hadleen?

Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in wadahadal uu Maanta u furmay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
Kulan oo ah kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan labadan mas’uul ayaa imanaya xilli uu dhowaan gaaray magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyadoo sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu ka qeybgalayay shirweynaha 33aad ee Midowga Afrika.

Lama oga ajandaha kulankan hase yeeshee inuu kulankan jiro ayaa waxaa u xaqiijiyay Radio Daljir ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Qaranka.

Hase yeeshee waxaa wararka ay sheegayaan in kulankan ay qabanqaabisay dowlada Ethiopia,waxayna dowlada Ethiopia dhowaan ugu soo dhoweysay magaalada Addis Ababa si maqaam sare ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Diwaanka
Wararka Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com