Faransiiska oo laga helay nooc cusub oo Covid-19 ah

Faransiiska oo laga helay nooc cusub oo Covid-19 ah

Faransiiska ayaa diiwaangeliyay kiiski ugu horreeyay ee nuuca cusub ee cudursidaha coronavirus, taasoo keentay shaki ah in mowjado kale oo la xiriira fayraska ay ku dhuftaan France.

Wasaaradda caafimaadka Faransiiska ayaa ku warrantay in nin Faransiis ah oo dhawaan kasoo laabtay magaalada London, laga helay fayraska cusub.

Ninkan oo ku sugan magaalada Tour ayaa London ka tagay 19-ki bishaan, waxana hadda uu isku karantiilay gurigiisa. Sida ay sheegtay wasaaradda caafimadka, xaaladda ninkaan ayaa hadda wanaagsan.

Nuucaan cusub ee cudursidaha Coronavirus ayaa laga helay dalka Ingiriiska. Wasiirka Caafimaadka Britain, Matt Hancock ayaa sheegay, in ilaa 1000 kiis oo la xiriira xanuunkani lagu arkay koofurbari ee dalka England.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • cawil saciid caaqilka 3 years ago

    daljir runtii waa radio aan aad ujeclahey waxaana jeclaan lahaa inaan mar kashaqo galo haduu eebe idmo.
    waxaana idinka codsanaayaa inaad tv noosameysaan.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com