Fannaan DAA’UUD CALI MASXAF oo geeriyooday

Fannaan DAA’UUD CALI MASXAF oo geeriyooday

Allaha unaxariisteen waxaa maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday fanaankii caanka ahaa  ee Daa’uud Cali Masxaf.

Daa’uud Cali Masxaf ayaa  ka mid ahaa kooxdii fanka ee magaalada Jowhar ee la oran jirey Yogol.

waxa uu  fanaankan caan ku ahaa garaacista muusiga iyo weliba ku luqeynta heesaha,waxana uu toddobaatameedyadii ku biirey kooxdii hobolada Waaberi.

Daa’uud Cali Masxaf ayaa markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa uu ku noolaa dalalka Jabuuti iyo Ethiopia.

Allaha unaxariistee geerida fanaanka  waxaa ka tacsiyeeyay dhamaan fanaaniinta  Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo daafaha caalamka, anaguna hadaa nahay bahda Daljir waxaan leenahay Allaha unaxariisto.

Halkan ka daawo mid kamid ah heesihii uu qaaday.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com