Site icon Radio Daljir

FANAANADII FAADUMO NAKRUUMA OO U GEERIYOOTAY CUDURKA COVID-19

Fanaanadii caanka aheyd Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid ahayd Fanaaniintii Qaranka Soomaaliyeed ayaa goordhow ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Fannaanada ayaa ku geeriyootay Isbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho, iyadoo maalmahan la xanuunsaneysay xanuunka Coronavirus.

Nakruuma ayaa ka mid ahayd qurbojoogta Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay,waxayna ku luqeysay heeso badan oo Jacayl iyo waddani leh, iyadoona ka tirsaneyd kooxdii Waaberi.

Exit mobile version