Fanaanad Soomaliyeed oo Muqdisho ku Geeriyoortay

Jimco, Octobar 02, 2015 (Daljir) —Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanadda Umu Shariif Axmed, oo ka mid ah Fanaaniinta Somaliyeed ee degan Magaalada Muqdisho.

Fanaanadda oo bilowgii toddobaadkan bandhig faneed ku qabatay Magaalada Jowhar, ayaa Talaadadii dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho, iyadoona wixii ka dambeeyay ku xanuunsaneysay.

Maxamed Xasan Barrow, Agaasimaha Fanaaniinta Hobolada Waaberi, ayaa wuxuu xaqiijiyay geerida ku timid Fanaanadda Umu Shariif, wuxuuna geerideeda uu ku sheegay mid naxdin leh.

Agaasimaha, ayaa tacsi u diray qoyskii, asxaabtii iyo shacabka Somaliyeed oo ay ka baxday Hoboladdu, oo sanado ka hor ka soo hana-qaaday Magaalada Muqdisho.

Maxamed Xasan, ayaa intaa ku daray in xilligan ay diyaargarow ugu jiraan, sidii aas loogu samayn lahaa marxuumadda.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com