Fahad Yaasiin oo ku xaniban Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti & DFS oo ka hadashay

Fahad Yaasiin oo ku xaniban Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti & DFS oo ka hadashay

Wararka ay Daljir ka helayso dalka Jabuuti ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha ee dalkaasi lagu hakiyay Agaasimhii Hay’ada Nisa Fahad Ysaasiin.

Saraakiisha laamaha Amniga ee dalka Jabuuti ayaa amar kubixiyay in diyaarada aysan duulin ila aamar dambe.

Dhanka kale War kasoobaxay madaxtooyada Soomalaiya ayaa lagu yiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.

Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin wuxa uu ka qayb galayaa shirka Amniga Qaranka oo barri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar, 2021 lagu qaban doono magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Madaxtooyada
Cabdirashiid Xaashi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com