Fahad Yaasiin oo ka xanaaqay Su,aalo kulul oo ay Xildhibaanadu waydiiyeen (dhegayso)

Fahad Yaasiin oo ka xanaaqay Su,aalo kulul oo ay Xildhibaanadu waydiiyeen (dhegayso)

Sii hayaha xilka Taliyaha ciidamada NISA Fahad Yaasiin Xaaji Dahir oo maanta hortagay Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu waydiiyay su,aalo laxiriira amniga magaalada iyo xiriirka Ururka Al-shabaab iyo Hay,ada NISA.

Xildhibaan Sakariyr ayaa waydiiyay Agaasimaha NISA su,aal ahayd xiriirka ka dhexeeya Hay,ada iyo kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab?.

Wuxuuna Fahad Yaasiin uu ku jawaabay “waxaa ii muuqata Hay’adda Nabadsugida in la xurmo dareeyay in golihii dhexdiisa in su’aal noocaan la isku dhex weydiiyo.., Aniga shaqsiyan aanan u qalmin taas… hadalkaas wuxuu gef ku yahay hea’adda Nabadsugida iyo shaqsiyan aniga, waxaa codsanayaa Xildhibaanka inuu cudurdaar ka bixiyo, haddii kale xaqa qaanuuniga aan leeyahay ayaa qaadanayaa” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Ku-simaha Agaasimaha NISA ayaa difaacay xilka eryidii Jen. Cabdalla Cabdalla oo uu sheegay inuu bixiyey sir qaran, ayna arrintiisa go’aan ka gaareen Guddi anshax, sidaasina xilka looga qaaday.

Xildhibaan Zakariye Gaashaan ayaa dhinaca kale diiday inuu raaligelin ka bixiyo su’aashii uu weydiiyey Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin, wuxuuna sheegay in laga rabo inuu ka jawaabo su’aasha oo aanu ka guban xaqiiqadana caddeeyo.

Dhegayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com