Site icon Radio Daljir

Fadumo Dayib: “Shaqadaan looma oggola qof isirkiisa yahay Soomali” darteed baan shaqada UN uga tagay (dhegayso)

Faadumo Qaasim Dayib oo hore isugu soo sharraxday xilka Madaxweynaha Soomaaliya sannadkii hore ee 2017 ayaa waraysi aan la yeelanay waxa ay kaga hadashay shaqaddii ay ka haysay QM ee ammuuraha haweenka Soomaaliya, ayna ka ahayd Agaasime Dal (Country Director), ahaana booska kaliya ee qof Soomaali ahi uu UN Soomaaliya ka hayey, ayey Fadumo nala qaybsatay sababaha ay shaqadaas isaga casishay.

Faadumo ayaa shaqo-ka-tagisteeda xafiiska UN ee Ammuuraha Haweenka Soomaaliya ku micnaysay ayada oo si ula kac ah oo aan gabbasho lahay loola beegsaday midabtakoor, cagajugleyn, isir-nacayb Soomaalinimadeeda, iyo iyada oo si toos ah loogu sheegay in qof isir ahaan Soomaali ah aan meeshan laga rabin.

Hadalladaas midab-takoorka iyo isir-naceybka xambaarsan ayey Fadumo Dayib waxa ay tiri, “waxaa si toos ah iila beegsaday Peter De Clerk.”

Peter De Clercq oo ah Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxaa booska loo magacaabay 18 Juun 2015.

Fadumo Dayib ayaa haddana si kooban taariikh nololeedkeeda iyo teedii ku barbaarka xeryaha qaxootiga noola qaybsatay. Waxaa waraystay wariyaheena Maxamed Lakiman, kuna sugan xarunta Daljir Garoowe.

Hoos kaga bogo.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5beb103d0a0100f50ec63555/Faadumo+Dayib+Waraysi+M+Lakiman+Garoowe+sax+.mp3?_=1

Wareysiga oo youtubka kalasocon karto halkan kadaawo

Exit mobile version