(Faallo) Haweenka Puntland oo guul-taariikh ah ka gaaray Xubnaha Aqalka sare u matali doona Puntland

 
Garowe, October, 2016 – Halgan-dheer oo qaatay sanooyin badan kaddib, waxaa haweenku Puntland ay ku guulaysteen in ay xaqiijiyaan ka miro-dhalinta qoondada haweenka %30, tartan adag kaddib, waxaa suurto-gashay in 3 saddex haween ah ay ku guulaystaan Xildhibaannada Aqalka sare u matali doona Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
 
Sanadkii 2004tii ayay ahayd markii Radio Daljir ay halgan dheer u gashay sidii haweenku u noqon-lahaayeen kuwo si firfircoon uga qayb-gala siyaasadda, kuwo ka bad-baada hagar-daamada lagu hayo, sida duudsiinta xaquuqahooda Dastuuriga ee dhanka waxbarashada, IWM. Radio Daljir waxaa ay samaysay barnaamij socday muddo 12-sano oo ahaa halgan haweenku ku baadi-goobayeen xaquuqahooda. Barnaamijkaasi guulaha la taaban-karo ee uu gaaray waxaa ka mid ah in uu jilciyay maskaxda bulshada Puntland, in dadka reer Puntland yar iyo wayn ay ku baraarugeen ahmiyada haweenku ay bulshadeena u leeyihiin, iyo mudnaanta ah in la siiyo fursad ka qayb-gal xilalka waawayn ee siyaasiga ah.
 
Haddaba iswaydiintu waxay tahay 12-sano kaddib, waa maxay guusha la gaaray ???
 
Su’aashaasi jawaabteedu waa 3da xubnood ee ku guulaystay xubnaha aqalka sare ee Dowladda Soomaaliya u matali doona Dowladda Puntland, kuwaasi oo kale ah:
 
1) Senotar Shukri Adan CameY Mudug 
2) Senotar Hodan Mohamud Osman Gobolka Sool 
3) Senator Saciido Hassan Osman Gobolka Sanaag
 
Guusha taariikhiga noqotay ayaa ah kurigsiga ay ku guulaysatay Siciido Xassan Cismaan oo ahaa tartankii ugu adkaa ee ka dhacay hoolka Baarlamaanka Puntland, Siciido waxay ka adkaatay 3 nin oo kula tartamayay kursigaasi. Waana tillaabi qof-waliba uu boogaadiyay oo muujisay kartida haweenku leeyihiin haddii aanan la xaqiraynin.
 
Waxaan iyana la xaqiri karrin, in Hodon Ismaaciil uu si dirqi ah 1 cod uga guulaystay Prof: Jurile oo ah siyaasi caan ka ah dalka Soomaaliya, waxaana uu kaga adkaaday 1 cod oo qura, haddii ay Hodan ka guulaysan-lahayd Prof: Jurile waxay noqon-lahayd gabadha Afaraad ee kusoo baxda Xubnaha Aqalka sare ee Puntland.
 
Bulshada reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed ayaa dhammaantood boogaadiyay guusha ay haweenku ka gaareen siyaasadda Puntland, waxaana Puntland ay noqotay maamulka kaliya ee gabdhaha ugu badan ay kasoo galeen baarlamaanka Aqalka sare ee DF  u matali doona Dowladda Puntland.
 

Diiwaanka Wararka 

Radio Daljir

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com