Faahfaahin iyo shacabka Puntland oo si cajiib ah u soo dhaweyaay RW kheyre (dhegayso/sawiro)

Faahfaahin iyo shacabka Puntland oo si cajiib ah u soo dhaweyaay RW kheyre (dhegayso/sawiro)

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta oo ay tariikhdu tahay 29 July 2018 Caasimadda Dowladda Puntlnad ee Garoowe ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo.

Soo dhowoynta Ra’iisul Wasaaraha iyo weftigiisa ayaa waxaa ka qayb qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi iyo ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Puntland, ciidamada qalabka sida ee Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacabka caasimadda Garoowe oo aan u kala hadhin soo dhoweynta Rii’sal Wasaaraha.

Madaxweynha Dowladda Puntland Iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa intaasi kadib lug kusoo maray farsamagaalaha caasimada Puntland iyo barxadda Garoowe, halkaasi oo ay Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaruhu si wada jir ah ugaa hadleen shacab aad u tira badan oo u diyaarsanaa soo dhoweynta Ra’iisal Wasaare Khayre.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn Weftiga Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka ee Soomaaliya kusoo dhoweeyey Puntland, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Puntland qalbiga uga suntan tahay jiritaanka iyo wada jirka shacabka Soomaaliyeed, daliilna ay u tahay soo dhoweynta Madaxdooda.

“Waan idin soo dhoweynayaa dhammaantiin weftiga nooyimid oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, aad baannu ugu faraxsannahay inaad noo timaadaan, waxaad u timid shacabkaagii aad madaxda u ahayd, kuwaas oo muddo ku sugayey runtii, imaatinkiina waa muhiim inaad ku ogaataan xaaladda dalku ku sugan yahay, dhan dhaqaale, mid amni, mid horumar intaba, iyo mid aad feker kaagaba la qayb-satidba,

Waxaan rajaynaynaa inaad hore u sii wadaan hawlaha aad ka shaqaynaysaan oo ah midaynta ummadda Soomaaliyeed, dad kani muddo labaatan iyo dhawrsano ah ayay burbur soo mareen, runtii rajadu aad ayey u fiican tahay, waan u jeednaa iftiinka mustaqbal ee dalka waanna ku hanweynahay inaan gaadhidoonno” ayuu yiri Maddaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa mahad balaadhan u jeediyey shacabka reer Puntland iyo dawladdoodaba soo dhowoynta maqaamka sare leh ee ay ku qaabileen iyo weji furnaanta daacadda ah, taasi oo ku salaysan isir Soomaalinimo, jacayl qaranimo iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

“Mudane Madaxweyne dhammaan shacabka iyo Madaxda Puntland anigoo ku hadlaaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weftigaan hogaaminayoba waxaan idiinka mahad celinayaa sida diiran oo qadarinta iyo wanaaggu ku dheehan tahay ee ad noogu soo dhoweyseen magaalada Garoowe, shaqabka nootaagna qoraxda Airport ka illaa Madaxweyntooyada waxay ahaayeen shacab Soomaaliyeed, waxay taasi muujinaysaa in dadka reer Puntland ay yihiin dad u bislaaday dawladnimada, jecel dalkoodu inuu hagaago, waxay kaloo muujinaysaa khibradda reer Puntland ay u leeyihiin dawladnimada ayna mudan tahay inteena kale inaan wax ka barano,

halkan waxaan u nimid inaan idinla wadaagno shaqooyinka dalka aannu u hayno, laakiin aan idinka barano khibraddiina, idin dhegaysano, feker wadaagno si aan uga wada tashano aayaha ummadda Soomaaliyeed, soo dhoweyntii maanta waxay aniga igu dhiiri gelinaysaa in dawladnimadii ummadda Soomaaliyeed ay soo dhoweaatay” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre.

Ugu danbeyn Weftiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho iyo safar shaqo ku maridoona qaybo ka kamid ah gobolada Puntland, si ay wax uga ogaadaan horumarka, nabadda iyo xasiloonida ka jirta Puntland.

Safarka Khayre ee Garoowe waxaa Warbixin kadiyaariyeey Wariye Cabdixakiin xuseen xasan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com