faahfaahin: qaraxyo dad ku dhinteen kuwa kalena ku dhawacmeen oo muqdisho ka dhacay (Sawiro)

HomeWararka

faahfaahin: qaraxyo dad ku dhinteen kuwa kalena ku dhawacmeen oo muqdisho ka dhacay (Sawiro)

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan lambar 4 Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Saraak

Muqdisho: Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo markii ugu horraysay bixiyey Ruqsadda Adeegga Lacagaha Taleefanka
Doorka Haweenka iyo doorashada Puntland ee 2019 (dhegayso)
Xoghayaha Guud ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo la magacaabay

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan lambar 4 Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka.

ilaa 3 Qarax oo loo adeegsaday gawaari ayaa ka dhacay wadada u dhaxeysa Hoteel Saxafi iyo Xarunta CID-da ee Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in wadadaasi ay tahay mid mashquul ah oo ay Isticmaalaan dadweynaha xilligaan oo kale.

kan koowaad ayaa lagu ku dhuftay Hotel Saxafi oo hore loo weeraray.

Qarax kale ayaa isna ka dhacay inta u dhaxaysa Hotel Saxafi iyo xarunta CID oo hoteelka ka soo hor jeedda.

Hotel Saxafi dhabarkiisa waddo yar oo marta ayuu ka dhacay Qaraxa Saddexaad.

dhinaca kale Qaraxyadda ka dib rag hubeysan oo tiradooda lagu qiyaasay 4 ruux ayaa isku dayay in ay galaan Hoteelka Saxafi, Waxaana toogtay Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya.

waxaa jirra Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxaana hadda goobihii Qaraxyo ka dhaceen ku sugan Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

tiradda dhabta ah ee khasaaraha qaraxyaddas laamaha amaanka Muqdisho wali ma faahfaahin,balse waxaa la filayaa saraakisha amaanka inay saacadaha soo socda kawarbixiyaan qaraxyadan iyo tiradda guud ee khasaaraha dhabta ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: