Site icon Radio Daljir

Faahfaahin Qaraxii ismidaaminta ahaa ee ka dhacay Saldhiga degmada Waabari

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhawayd waxa uu ka dhacay saldhiga degmada Waabari ee gobolka Banaari sida uu kusoo waramayo wariyaha Daljir ee Muqdisho Cabdiraxmaan Waabari.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii saldhiga Axmed Baashane Saraakiil iyo Askar farabadan oo ku sugnayd goobta uu qaraxa ka dhacay.

Dhanka kale dad shacab ah oo marayay saldhiga hortiisa ayaa la soo sheegayaa in ay waxyeelo soo gaartay.

Waddooyinka soo galay saldhiga Waabari ayaa la xiray waxaan goobta soo gaaray ciidamada dowladda.

Al-shabaab ayaa intabadan qaraxyada Muqdisho sheegata inkastoo wali aysan haatan war kasoo saarin.
Daljir kala soco wararka xaqiiqada kusalaysan.

Exit mobile version