Faahfaahin qarax lala beegsaday Taliyihii Ciidanka Gobalka Banaadir

Faahfaahin qarax lala beegsaday Taliyihii Ciidanka Gobalka Banaadir

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin kooban ka bixiyay qarax Ismiidaamin ah oo Gaari loo adeegsaday, kaas oo lagu weeraray Kolonyo uu watay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole.

Xilliga qaraxa lagu weerarayay Kolonyada Gaadiidka ee uu la socday Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay marayeen wadada ka leexata Isgoyska Banaadir ee Aada Isbitaalka Madiina, isla markaana hormarta Xerada Ciidamada ee Villa Baydhabo.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa uu ka badbaaday taliyaha, balse uu khasaaro ku reebay dhismayaasha ku yaal Isgoyska Banaadir.

“Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud, Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu ku reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo ayaa lagu yiri” Qoraalka Booliska.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com