Faahfaahin: Khasaaraha dibadbaxii Bosaaso

Wararka radio Daljir uu ka helayo goobaha caafimaadka ee Bosaso ayaa xaqiijinaya in laba qof oo dhalinyaro ah inay u geeriyoodeen dibadbaxii kadhacay duhurnimadii maanta magaalada Bosaso ee looga soo horjeeday hakadka shaqo ee dekedda Bosaso ay ku jirto maalintii todobaad.

Dadka geeriyooday ayaa siyaabo kalle duwan ugu dhaawacmay rasaas ay ciidamada ammaanka ay ku fureen dibadbaxyaasha si lookala eryo.

Mid ka mid ah dadka geeriyooday oo ahaa wiil dhalinyaro ayaa rasaastu ka haleeshay dhanka madaxa, waxaana jira dhaawac hal qof oo isbitaalka guud ee magaalada Bosaso ku jira, kuna dhaawacmay didbadbaxii maanta kadhacay Bosaaso.

Shacabka ayaa ka mudaaharaaday xirnaashiyaha dekedda Bosaso oo ah isha ugu wayn ee dhaqaalle ee Puntland, ganacsatada ayaa ka cabanaya lacago ay sheegeen in lagu kordhiyay doonyaha kusoo xiranaya dekedda oo aan ahayn canshuurta, halka dowladda iyo shirkadda maamulaysa dekedda ay arinkaasi ku tilmaameen been abuur la isaga horkeenayo shacabka iyo dowladda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com